Samee Qorshahaaga Cod Bixinta
Doorashada North Dakota: 3 Nofeembar 2026
Shuruudaha Codaynta
Si aad uga codayso gobolka North Dakota, waa inaad tahay muwaadin Maraykan ah, degan North Dakota ugu yaraan 30 maalmood, waana in da’daadu ugu yaraan 18 jir tahay maalinta doorashada.
Aqoonsi ayaa Codbixiyaha Looga Baahan yahay
Aqoonsigaaga saxda ah ayaa loo baahan yahay si aad uga codayso gobolka North Dakota. Hadii aad tahay muwaadin dhalasha Maraykan hada qaatay fadlan iska hubi inaad cusboonaysiiso liisankaaga darawalnimada ama kaarka aqoonsiga ee gobolka North Dakota.
Hababka Loo Codeeyo: Goobta Codeynta ama Boostada
Raadi goobtaada codeynta haddii aad dooranayso in aad goob joog ahaan u codeyso ama codsato inaad ku codeyso qaab maqnaansho (codee boostada).
Tusaalaha Codbixinta
Ururka Haweenka Codbixiyayaasha ayaa ka helaysaa tusaalaha warqada codbixinta: VOTE411.org. Gali ciwaankaaga Boggaan guriga aad degantahay si aad u aragto tartamada iyo musharixiinta ku jiri doona warqadda codbixinta.

